Arsenal Oo January Dhameystireysa Saxiixa Javier Hernandez Chicharito

Taageerayaasha Arsenal ayaa wali is weydiinaya xaalada weerar ee kooxdooda, iyadoo Arsene Wenger ugu danbeyn uu ku jiro marxalada uu ku galo suuqa bisha January.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kooxda Gunners isha ku heyso saxiixa weeraryahanka kooxda Bayer Leverkusen Javier Hernandez “Chicharito”

Gunners ayaa dooneysa weeraryahanka muddo dheer, laakiin waxa ay awoodi wayday inay hesho xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Wenger ayaa lagu qasbay inuu weerarkiisa u adeegsado Alexis Sanchez xilli ciyaareedkan, iyadoo Welbeck dhaawac muddo dheer ah uu qabo, iyadoo Giroud qaab ciyaareed xun uu kujiro.

Tababaraha Faransiiska ayaa u baahan xili ciyaareedkaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga inuu helo weeraryahankii hore ee Manchester United Chicharito.