Arsenal Oo Damacday Inay RASMI Ula Wareegto Dani Ceballos & Real Madrid Oo Ay Dalab U Gudbiyeen

Kooxda ree London ee Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay heshiis rasmi ah ku doonayso khadka dhexe ee kooxdeeda haatan amaahda kula jooga ee Dani Ceballos kaas oo kaga soo biiray xagaagii dhinaca Real Madrid.

Ceballos ayaa si weyn ugu farxay xagaagii inuu kasoo dhaqaaqay Madrid oo ay isku dhibanaayeen tababare Zinadine Zidane oo aan fursad ciyaareed oo badan siin jirin.

“Aragtidaydu waxa ay ahayd mid cad, Inaan baxo, Ciyaaro oo aan ku raaxaysto kubadda cagta sababtoo ah labadii sano ee ugu dambeeyay anigu sidaas maan samayn waanan ku saxsanaa inaan Arsenal tago” Ayuu yidhi Ceballos kaddib heshiiskii uu Madrid kaga yimid.

Dani ayaan ilaa haatan sidii la filayay uga soo wada dhalaalin Gunners waxaana inta ugu badan u sabab ah tababare Unai Emery oo aan kalsooni buuxda siin kulamada qaarna shaxda kusoo bilaaba kuwo kalena keydka u dhaadhiciya.

Si kastaba. Agaasimaha ciyaaraha ee Arsenal ayaa aaminsan in Ceballos uu la qabsanayo kooxda isagoo doonaya inuu si rasmi ah ugu soo wada wareego.

Wargeyska ‘Daily Mail’ ayaa sheegay in Gunners ay dalab dhan 30 Milyan oo euro u gudbisay Real Madrid iyagoo doonaya inay rasmi ula wareegaan Dani.

Dalabkaas ayaa ah midd ay kusoo gacan saydhay Los Blancos iyagoo lacagtaas u arka mid hooseysa dalbanayana ugu yaraan 35 Milyan oo euro si ay Ceballos uga samraan.