Manchester United iyo Arsenal ayaa labadaba lagu soo waramayaa inay qiimeynayaan saxiixa weeraryahanka Barcelona Antoine Griezmann inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagaan.
Barca ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay inay iska iibiso xiddiga heerka caalami ee dalka France ka hor bilowga ololaha 2020-21 iyagoo isha ku haya inay kor u qaadaan lacagaha looga baahan yahay inay kula soo wareegaan weeraryahanka kooxda Inter Milan Lautaro Martinez.
Sida laga soo xigtay Sport, kooxda ka dhisan gobolka Catalan ayaa soo bandhigi doonta dalabyo dhan 100 milyan euro oo ay ku iibinayaan ciyaaryahanka ku guuleysta Koobka Adduunka 2018, kaasoo qaab ciyaareedkiisa aan lagu qancin tan iyo markii uu xagaagii kasoo dhaqaaqay Atletico Madrid.
Warbixinta ayaa sheegeysa in United iyo Arsenal ay haatan u dhaqaaqi karaan 29 jirkaan, kaasoo dhaliyay 14 gool 37 kulan oo uu u saftay Barca intii lagu jiro xilli ciyaareedkii 2019-20.
Weeraryahankan ayaa dhaliyay sideed gool afar kalena caawiye ka noqday 26 kulan oo La Liga xilli ciyaareedkan, halka uu labo gool ka dhaliyay 7 kulan oo Champions League ah tan iyo markii uu yimid Camp Nou.
Qandaraaska haatan Griezmann ee kooxda Quique Setien wuxuu socon doonaa ilaa xagaaga 2024.



