Arsenal & Chelsea oo ku dagaalamaya daafaca ugu magaca adag dunida

Kooxaha kawada dhisan horyaalka ingiriiska ee kala ah Arsenal iyo Chelsea ayaa waxa ay wada xiisaynayaan xiddiga difaaca kaga ciyaara kooxda Borussia Dortmund Sokratis Papastathopoulos,

shabakada Goal.com ayaa ogaatay in labada koox ee ka dhisan London wakiilo u direen daafaca awooda badan.

29 jirkaan ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay ka tagista kooxdiisa, isagoona sheegay in uu rabo ku guulaysiga koobab,

Warkaan ayaa waxa uu xiiso galiyay labadaan kooxood ee ka ciyaara horyaalka Premier League, iyadoo Wenger dhowr jeer uu daawaday daafacaan.

Sokratis ayaa kusoo bilaawday 26 kulan oo horyaalka Jarmal ah intii uu kooxda ku sugnaa macalinkii laga ceyriyay ee Thomas Tuchel, isagoona dhamaan tartamadoo idil usaftay 41 kulan xilli ciyaareedkaan kooxdiisa Dortmund.

Sokratis qandaraaska uu kula jiro kooxda Dortmund waxa uu dhacayaa sanadka 2019, balse ma cada mustaqbalkiisa kooxda.

Arsene Wenger ayaa raba in uu kooxdiisa ku soo daro difaacyo cusub xili ciyaareedka soo socda ee 2017-2018, waxaana hore ay kooxda ula soo saxiixatay daafaca Schalke Sead Kolasinac kaasoo beeca xorta ah ku yimid Gunners.