Arday Soomaali ah oo ku go’doonsan Magaalada Mekele

Waxaa soo baxaya Warar sheegaya in Arday Soomaali ah ay ku go’doonsan yihiin Magaaladda Mek’ele ee caasimadda ismaamulka Tigray, halkaas oo ay ka socdeen dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya & Kooxda TPLF.

Qaar kamid ah Ardayda Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegeen inay xilligaan wajahaan xaalad adag, sidoo kalena ay la’yihiin meel ay ka baxsadaan iyo cid gurmad u fidisa maadaama ay dagaalo socdaan.

Badi Iskuulada ku yaalla gobolka Tigreega ayaa waxaa la sheegay inay dagaalada ku xirmeen kadib markii Macalimiintii Iskuulada iyo Hay’adihii Gacanta ku haayay ay colaada ka barakaceen.

Dhawaan Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa Ciidamo farabadan u direen Gobolka Tigreega, kuwaas oo la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka dowladda Itoobiya ay kula jirto Kooxda TPLF.

Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa sheegay in sababta ay Ciidamada u direen ay tahay dalab uga yimid dowladda Federaalka Itoobiya, isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan sugida Amniga Itoobiya wallow dhaleeceen badan uu kala kulmay.