Ugu yaraan shan iyo labaatan sarkaal oo booliis ah oo ka socda Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa soo gabagabeeyey tababar toban maalmood loogu qabtay magaalada Jowhar.
Tababarka oo ay qabteen qeybta booliska ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM, ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda booliska si loo ilaaliyo saraakiisha sare ee dowladda iyo Dadka Aad Muhiimka ah ka hor doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Sarkaalka isku-duwaha booliska AMISOM ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle, Mutama Agtin, ayaa sheegay in tababarkan uu awood u siinayo Booliska Soomaaliyeed inay ilaaliyaan nolosha iyo hantida hoggaamiyeyaasha iyo bulshada.
“Tababarka ilaalinta wuxuu siinayaa xirfado iyo aqoon ku saabsan sida loo ilaaliyo muwaadiniinta, Xubnaha Baarlamaanka iyo qaybaha kale ee shakhsiyaadka muhiimka ah iyo hantidooda. Booliiska AMISOM waa muhiim inay tababaraan dhiggooda Soomaaliya si ay amniga u sugaan xilliga doorashada iyo kadib, ”ayuu yiri Agtin.
Sarkaalka Arimaha Bulshada ee AMISOM ahna Isuduwaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Christopher Ogwang Aria, oo tababarka soo xiray, wuxuu xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay AMISOM inay ku taageerto Booliska Soomaaliyeed tababar.
“Waa waajibaadka AMISOM inay ka taageeraan booliska Soomaaliyeed qeybta howlgalka, hagida iyo tababarka,” ayuu yiri Ogwang.
Sarkaal ka tirsan booliiska dowlad goboleedka HirShabeelle Salaad Axmed Maxamed oo ka hadlay xafladda xiritaanka ayaa sheegay in saraakiisha booliska ay ku dabaqi doonaan xirfadihii ay barteen si ay ugu adeegaan shacabka.
“Waxaan rajeyneynaa inaan ku dabaqno xirfadihii aan soo baranay oo aan ilaalino amaanada, isla markaana aan la wadaagno aqoonta aan baranay asxaabteena aan helin fursadaas oo kale,” ayuu yiri Salaad.
Ku simaha tababaraha booliska AMISOM ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Aluisine Fkarybo, ayaa yiri, “Xirfadaha ay ku barteen koorsadan waxay u sahlaysaa kaqeybgalayaasha inay si hufan u gutaan waajibaadkooda xirfadeed gaar ahaan kahor, inta lagu jiro iyo kadib doorashada.”
Gabar kamid ah Saraakiisha tababarka qaatay oo lagu magacaabo Fardowsa Cumar Cabdi ayaa sheegtay in tababarkan uu ku qalabeeyay xirfado ay si hufan ugu gudato waajibaadkeeda booliska.
Waxaan sidoo kale baranay sida loo ogaado waxyaabaha qarxa ee lagu aasay hareeraha waddooyinka iyo diyaaradaha. Waxaan sidoo kale helnay xirfado isdifaacid ah. Haddii aad difaacdo noloshaada, waad difaaci kartaa nolosha qof kale, ”ayay tiri.



