App-ka dabagalka coronavirus ee UK oo diyaar noqonaya

App dabagal ku samaynaysa coronavirus, kana mid ah dadaalada laga wado dalka UK si xayiraadaha looga qafiiyo ayaa diyaar noqonaya isbuucyada soo socda.

Madaxa qaybta digitaalka ee Hay’adda daryeelka caafimaadka bulshada UK , Matthew Gould, ayaa baarlamaanka u sheegay in App-ka ay diyaar noqonaya isbuucyada soo socda.

Balse wuxuu cadeeyey in ay tani qayb ka tahay dadaalada lagu qafiifin karo xayiraadaha saaran dalka.

“Haddii la doonayo in la ilaaliyo Hay’adda daryeelka caafimaadka bulshada UK ama uu dhaqaalaha dalka dib u soo noqdo app-ka waxay qayb ka noqonaysaa dadaaladaas.”