Iyadoo Saraakiisha ammaanka dowladda Kenya ay sheegayaan in laga cabsi qabo in dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar ka geystaan dalka Kenya, ayaa dowlada Kenya waxa ay ciidamo dheeraad ah ay geystay xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in Xadka ay la wadaagto Soomaaliya la furi doono maalmaha soo socda.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in xadka la furi doono Marka si weyn loo adkeeyo ammaanka labada dal.
Warbixin hoose oo laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ilaha sirdoonka ee dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay ciidamo dheeraad ah ay geysay xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya , si looga baaqsado in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka gudbaan xadka Soomaaliya , islamarkaana ay gudaha u galaan dalka Kenya.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay laba jibaareen weerarada ay ku qaadayaan ciidanka dowladda Kenya ee ku safraaya xadka labada dal , waxaana weeraro ka dhacay xadka lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Kenya.



