Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ammaanka Magaaladaasi si weyn loo adkeeyay .
Ciidamado isugu jira Kenyaan iyo Soomaali ayaa la geeyay Duleedyada iyo Kontoroolada laga soo galo Magaalada Kismaayo.
Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay baaritaan ka waddaan Gudaha Magaalada.
Dadka Magaalada Kismaayo ayaa Risaala u sheegay in xataa Caawa ay xiran yihiin Ganacsiyadda ka agdhow Madaxtooyadda Jubbaland.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu waddaa in uu maalinta berri ah taggo Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay maanta gaareen Wafdi horudhac u ah.


