Ammaanka Kenya oo la adkeeyey iyo kenya oo sheegtay in ay qabatay dagaalyano ka tirsan Shabaab

Ammaanka dalka Kenya gaar ahaan dhanka xuduudaha ayaa si weyn loo adkeeyey xili dowladda ay cabsi qabto in dalkeeda  ay ka dhacaan weeraro ay geystaan Xarakada Al-Shabaab.

Howlgal balaaran ayaa laga bilaabay guud ahaanba dalka Kenya gaar ahaan degmooyinka soo xiga dalka Soomaaliya sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan lamaaha ammaanka dalka Kenya.

Madaxa dowladda Kenya u qaabilsan arimaha  howlgalada  Ammaanka  Boni ee Kenya,James Ole ayaa warbaahinta u sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dagaalyahano lagu tuhmayo  ka tirsan yihiin  Al-shabaab ayna ku socdaan baaritaano dheeri ah.

“Howlgalkaan waa mid weyn oo lagu xaqiijinayo ammaanka dalka Kenya ,ciidanka ku sugan keymaha Boni way sii wadi doonaan howlgalka ay ku baadi goobaya Al-Shabaab”ayuu yiri James Ole.

Muddo ku dhow hal sano ayey howlgalka ka  wadaa dowladda Kenya meelo badan oo ka tirsan dalkaas waxaana ilaa iyo hada ay sheegaysa in ay wali jirto cabsi ku aadan weeraro kasoo wajaha Al-shabaab.