AMISOM oo sheegtay iney dishay sarkaal sare oo Alshabaab ka tirsan

Taliyaha qeybta koowaad ee AMISOM General Sam Okiding ayaa xaqiijiyay in sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab  oo Alshabaab u qaabilsanaa Janaale ku dileen duleedka deegaankaasi, isaga iyo 22 dagaalyahan oo kale.

Sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab ayaa lagu dilay xalay weerar si wadajir ah ay u qaadeen ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida AMISOM ay sheegtay.

Sam Okiding, wuxuu sheegay in sarkaalka Alshabaab ee ay dileen lagu magacaabayay Cabdirashiid Buqdube kaasi oo lagu dilay duqeyn iyo howlgalka dhulka ah oo ay fuliyeen AMISOM iyo ciidamada dowlada Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay wadada Buufow ee Janaale aada.

Sidoo kale wuxuu sheegay sarkaalka u hadlay AMISOM in labadii maalin ee lasoo dhaafay Alshabaab ay ka dileen askar badan kadib weeraro dhexmaray ciidamada AMISOM oo garab ka helaya ciidamada qaranka iyo Alshabaab.

Wuxuu sheegay in ciidamada isbaheysanaya ee qaranka iyo AMISOM ay nadiifin doonaan waddooyinka Shabeelaha Hoose si ay kaga hortagaan weerarada Alshabaab ay geystaan.

Hadalka AMISOM ayaa kusoo aadaya xili dowlada Soomaaliya iyo Mareykanka ay xaqiijiyeen dilka Xasan Cali Dhoore oo Mareykanka uu sheegay inuu ka dambeeyay weeraro ka dhacay garoonka diyaaradaha iyo hotel Maka Al Mukarama.