Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ay dileen 6 Dagaalame ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ka dib dagaal ka dhacay Tuulo ku dhow Magaalada Kismaayo.
Weerarka ayaa ka dhacay Tuulada Buulo Gaduud 35 Km dhanka Waqooyi Bari ka xigta Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Sidoo kale ciidanka Midowga Afrika oo is garabsanaaya ayaa la wareegay degaanka Buulo Gaduud sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Joe Kibet Afhayeenka Ciidanka AMISOM oo taleefanka kula hadlay Wakaalada wararka ee Xinhua ayaa sheegay in ay dileen ku dhawaad 6 dagaalame oo ka tirsan Shabaab ka dib markii ay hub culus ay ku garaaceen degaanka Buulo-Gaduud.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax khasaaraha soo gaarin dhankooda.
Al-Shabaab wali kama hadlin sheegashada ciidanka Midowga Afrika ee ku aadan in ay dileen ku dhawaad 6 dagaalame ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.


