Muqdisho-RisaalaFM- Midowga Afrika ayaa maanta sheegay in ay Ciidankooda ku sugan Soomaaliya ee AMISOM ay bilaabayaan in ay Soomaaliya ka baxaan Bisha Oktoobar ee Sanadka 2018-ka.
Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, ayaa sheegay in labada sano ee ay Somalia joogayaan ciidamada AMISOM ay ku wareejinayan Ciidanka Soomaaliya goobaha muhiimka ah ee ay gacanta ku hayaan.
Qorshahan cusub ee ay ciidamada AMISOM kaga baxayaan ayaa qayb ka ah dib u eegista Hawl-galka Ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ku sugan oo uu Goluhu ku Ansixiyay kulankoodii 608-aad ee toddobaadkii hore ka dhacay Xaruntooda Magaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya.
Sidoo kale, Jadwalkan ay AMISOM uga baxay Soomaaliya ayaa dhaqan-galaya, kaddib markii Al-shabaab laga saaro goobaha ay weli Maamulaan, isla mar ahaantaana lagu guuleysto dib dhiska iyo xoojinta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Qorshahan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ay Waddamada Uganda iyo Kenya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya ku goodiyeen inay ciidamadood kala baxayaan Soomaaliya kaddib markii Midowga Yurub uu dhimay dhaqaalihii uu ku taageeri jiray Ciidamada Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya.


