AMISOM kale oo la geeyay Cadaado

Cadaado-RisaalaFM- Ciidamo kale oo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta la geeyay Magaalada Cadaado ee xarunta Gobolka Mudug.

Ujeedka Ciidanka AMISOM ee loo geeyay Magaalada Cadaado ayaa ah sidii ay u sugi lahaayeen Amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Maamulka Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in qorshohooda yahay in la geeyo Cadaado Askar gaareysa 400, balse maanta sidoo kale ay Magaalada tageen Qeybtii labaad ee Askarta.

Magaalada Cadaado shalay waxaa la geeyay 70 Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya sugidda Amniga.

Madasha Wadatashiga Qaran ayaa horey isugu raacay in Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud la geeyo Askar ka tirsan Ciidanka AMISOM.