Amb Gelle:” Ku macaansiga iyo isku dhejinta awoodda iyo in aad taariikhda ku waarto adigoo ammaanan isma keenayaan mudane madaxweyne “

Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uu xafiiskiisa ku dhejiyay sawirka madaxeynihii hore Aadan Cabdulle Cismaan, si uu u muujiyo in uu ku dayanayo oo ku joogo jidka aasaasihii Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Laakiin ka warrama haddii Aadan Cadde uu doorashada dib u dhigi lahaa sanad ama labo, ama uu xilliga kororsan lahaa? Ma jiri lahayd cid tusaale iyo ku dayasho ka dhigata?

Waxaa lagu xasuustaa Aadan Cadde in uu xil-wareejinta ka soo hormariyay xilligii loo qorsheeyay, si madaxweynahii la doortay -Cabdirashiid- ay ugu suurto gasho in uu ka qeyb galo dabbaaldegyadii maalmaha xorriyadda, halkii uu isagu ka qeyb gali lahaa isagoo sii haye ah.
Ku macaansiga iyo isku dhejinta awoodda iyo in aad taariikhda ku waarto adigoo ammaanan isma keenayaan mudane madaxweyne, anigoo mar walba xurmo, qaddarin iyo weyneyn u haya qofka fadhiya kursiga dalka ugu sarreeya.