Amaro laga soo saaray dhismooyinka soo gala wadooyinka Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka Goboolka Banaadir oo ka hadlay dhismooyinka wadooyinka soo gala ayaa sheegay arrintaasi in ay mamnuuc tahay oo aan la dhisan Karin hareeraha wadooyinka.

Afhayeenka maamulka maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo  warbaahninta la hadlay ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay baneeyaan dhismayaasha ay ka dhisteen hareeraha wadooyinka, maadaama la doonayo in la soo celiyo bilicda caasimadda.

Wuxuu sheegay dadka dhistay wadooyinka ee aan u hoggaansamin amarkan in ay u arkayaan in ay yihiin dad aan dooneyn in dalka uu dhismo, taasina anan laga yeeli doonin.

“Sidoo kale waxyaabaha laga hadlay waxaa ka mid ah dhismooyinka waodoyinka soo galay haday yihiin kuwa laamiga ah, wado waqti la geliyay dhaqaale intaas la eg galaayo, hadii qof soo galo waxaa amar lagu bixiyay in qofkaas la siiyo digniin.” Ayuu yiri Afhayeenka Gobolka.

Shacabka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa marar badan cabasho ka soo gudbiyay dadka dhista marshabiyeeriyada ku yaalla hareeraha wadooyinka, halkaasi oo ay isticmaalaan dadka.