Amaanka Deegaanada Puntland oo aad loo adkeeyay

Garoowe-RisaalaFM- Waxaa maanta aad loo adkeeyay amaanka deegaanada uu ka taliyo maamulka Puntland oo maanta looga dabaal degayo 1-da August oo ah markii la Aas aasay Maamulka Puntland.

Ciidamada maamulka Puntland qeybahooda kala duwan ayaa saakay heegan buuxa la geliyay, waxaana ay aad u adkeynayaan goobaha ay ka dhacayaan Munaasabadaha loogu dabaal degayo 1-da August oo ah markii la Aas aasay Maamulka Puntland.

Saraakiisha ciidanka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shalay ay bilaabeen in ciidamo ay geeyaan goobaha lagu wado in ay ka dhacaan Munaasabadaha, si looga hortago weeraro laga filan karo in ay ka yimaadaan Shabaab.

Munaasabadahan loogu dabaa degayo 1-da August oo ah markii la Aas aasay Maamulka Puntland ayaa waxaa la filayaa in ay ka qeyb galaan Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Puntland iyo Marti sharaf kale.