Weeraryahanka kooxda Chelsea ayaa aqbalay inuu dib ugu laabto horyaalka Saddexaad ee horyaalda qaarada yurub loogu jecelyahay e Seria A.
Xiddigan ayaa ku fashilmay in wax badna uu ka sameeyo horyaalka EPL xilli ciyaareydkiia koowaad kaasoo 15-goal dahliyey 45-kulan uu ciyaaray.
Waxaa lasoo warinayaa weeraryahanka chelas ku fashilmay ee Morata inuu dib ugu laaban karo kooxda Juventus.
Sida ay shaacisay Rai Sports xiddigan ayaa Turin dib ugu laaban doona kaasoo ku fashilmay inuu wacdaro ka sameeyo Stamford Bridge.
Morata Chelsea waxaa uu kaga soo biiray Real Madrid xilli ciyaareydkii lasoo dhaafay kaasoo ay Blues kusoo iibsatay aduun lacageed gaaraya £60million.
Morata ayaa lasoo warinayaa inuu galbeedka London ka dhaqaaqi doono, waxaana jira kooxo badna oo xiddigan xiiseenaya.
Balse xiddigan ayaa la aaminsanyahay inuu dib ugu laaban doono Juventus kaasoo gore kooxda Turin ka dhisan ugu soo ciyaaray.



