Wararka ka imaanaya deegaanka Caada oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaa uu dagaal xooggan ka socdo, kaas oo ud haxeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaan iyo Al-Shabaab oo dhinac ah.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilowday saaka Aroortii hore kadib markii meel ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku soo qaadeen Alshabaab.
Goob jooge ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay warbaahinta Risaala ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid aad u Culus balse aan la ogaan Karin khasaaraha ka dhashay .
Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan Ciidanka dawlada ayaa warbaahinta Dawlada u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayla hortageen weerarka al-Shabaab ay soo qaadeen saaka isla markaana ayiska difaaceen , balse ma jirto cid kale oo ka madax bannaan dowladda oo sheegashadaas xaqiijineysa.



