Isticmaalka Maandooriyaha oo saameyn ku yeeshay Amniga Magaalada Garowe

Ciidamo  ka tirsan ciidamada Puntland oo isticmaala maandooriyaha khamriga loo yaqaan ayaa habeenkii fara kulul ku haya amniga Garoowe.

Rasaas xooggan ayaa xalay laga maqlay xaafado kamid ah magaalada Garoowe, waxaana wararku sheegayaan in ay ridayeen Askat  ka tirsan ciidamada Puntland oo isticmaalay maandooriyaha ee Khamriga.

Rasaasta qaar ayaa gurya la degan yahay ku dhacday, islamarkaana hurdada ka kicisay qoysas fiidkii seexday, inkastoo aan weli wax khasaare nafeed ah laga soo werin.

Kooxaha ka tirsan ciidamada ee isticmaala maandooriyaha Khamriga ayaa si joogta ah habeen kasta rasaas aan loo meel dayin la dhacaya xaafadaha kala duwan ee Garoowe, taasi oo aysan waxba ka qaban xukuumadda madaxweyne Deni.

Dhawaan ayay ahayd markii , xabbad wiifto ah oo la Aamin san yahay in ay rideen kooxo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya   ee Garoowe ayaa  xilli habeen ah madaxa kaga dhacday gabar 14 jir oo gurigooda huruday.

Gabadha oo lagu magacaabo Isra Cabdirashiid Siciid ayay madaxa fariisatay xabbaddu, waxaana la sheegay in weli loo la’ yahay kharash lagaga soo saaro xabbadda, maadaama ay dhaleen qoys danyar ah.