Ra’iisal Wasaare Xamse oo Gudoomiyay Shir looga hadlayay la dagaalanka Alshabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo uu isugu yeeray madaxda hey’adaha amniga iyo difaaca Qaranka kaasi oo looga hadlayay xaaladda guud ee amniga, la dagaalanaka Alshabaab  iyo difaaca dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo warbixinno ka dhageystay Wasaaradda Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah u leedahay sugidda amniga guud ee dalka, dib u xoreynta  iyo xaqiijinta difaaca qaranka ee halis kasta oo ka imaan karta gudaha iyo dibeddaba.

Kulanka ayaa waxa ka qaybgalay Ku simaha Wasiirka, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka,  Jeneraal  Ibraahim Sheekh Muxiyaddiin Caddoow, Taliyaha Ciidanka Booliiska Sulub Axmed Firin, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad iyo Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye.