Alexander Lacazette Oo Mushkilad Weyn Dhexda Ugu Jira Ka Dib Markii Lagu Qabtay Isagoo Dhuuqaya “Hippy Crack”

Alexandre Lacazette ayaa wajahaya inuu ganaax weyn iyo mid dishibiliin kala kulmo Arsenal ka dib markii lagu sawiray isagoo dhuuqaya hawada Nitrous oxide oo sidoo kale loo yaqaano “hippy crack.”

Arsenal ayaa xaqiijisay inay diyaar u yihiin inay talaabo ka qaadaan ciyaaryahanka ka dib markii lagu daabacay maanta wargeysyada Ingariiska sawirada Lacazette oo dhuuqa gaaska Nitrous oxide isagoo jooga gurigiisa.

Warbixin ay soo saartay Arsenal ayaa lagu yiri: “Arintaan waa mid gaar ah taasoo aan si dhab ah u eegi doono. Waxaan u maareyn doonaa si gudaheena ah”

Weeraryahanka Faransiiska oo mushahar ahaan u qaata isbuucii 180 kun ginni ayaa wajihi kara in lagu ganaaxo mushaharka labo isbuuc madaama ciyaartoyda looga digay inay isticmaalaan gaaskaan oo ah mid lagu dawaqmo.

Waxay arintaan bixineysaa sawir xun madaama Lacazette uu yahay 28 jir islamarkaana la filayay inuu tusaale fiican u noqdo xiddigaha da’da yar.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Lacazette uu ku kaco filaan iyadoo Arsenal ay uga digtay xiddigaan iyo xiddigaha kale isticmaalka Nitrous Oxide.

Muuqaal la soo duubay sannadkii 2018 oo ay sidoo kale ku jireen Mesut Ozil, Matteo Guendouzi, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Sead Kolasinac oo joogay baar lagu caaweeyo ayaa la rkayay ciyaartoyda qaarkood oo la miirdaboolmay isticmaalka ‘hippy crack’ maalmo ka hor inta uusan bilaabanin xilli ciyaareedka.