Al-Shabaab oo xukun Gacan Goyn ah Ku Fuliyay Wiil dhalinyaro ah

Al Shabaab ayaa xukun gacan goyn ah waxa ay ku fuliyeen Wiil dhalinyaro ah Magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud, kadib markii maxkamada Shabaab ee Gobolka ay xukuntay in wiilkaasi gacanta laga gooyo.

Wiilkaan dhalinyarada ah ayaa la soo taagay meel fagaare ah oo dadka la isugu yeeray shalay gelinkii dambe si ay u daawadaan qaabka uu u dhacaayo xukunka gacan goynta ah ee lagu fuliyay wiilkaasi.

Qaadiga maxkamada Shabaab ayaa sheegay Maxamed Cilmi Jaamac oo 27-sano jir ah in lagu helay fal xatooyo ah, kadib markii uu qirtay sida uu sheegay qaadiga in Wiilkaasi uu lacag ka xaday goob ganacsi.

Intaasi kadib ayaa rag u diyaarsanaa inay gacanta wiilkaasi gooyaan, waxa ay ku boobeen mindi, waxayna ka jareen gacanta qaybta hore, taasi oo argagax ku abuurtay dadkii daawanaayay.

Xukunada noocaan oo kale ah ayeey Shabaab ka fuliyaan Gobolada dalka Somaliya, gaar ahaan Magaalooyinka ay joogaan iyaga oo sheegaya qofka falka lagu fulinaayo inuu sameeyay qiraal.