Marko-RisaalaFM- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay isaga baxay magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u soo galeen xaafado ka tirsan Marka, islamarkaana xalay ay kusoo rogeen bandow ayna dadka u sheegeen in ay Shabaab maamulayaan magaalada Marka.
Ilo madax banaan ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamada AMISOM ay wali ku sugan yihiin saldhigooda ay horay u degenaayeen ee duleedka magaalada.
Gudoomiyaha degmada Marko oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay isaga baxeen shalay magaalada Marko sidoo kalena ay gudaha usoo galeen magaalada Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Shabaab.
Arintan ayaa ku soo aadeysa xilli habeen hore Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose.


