Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen degaanka Qalimoow oo kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen.
Sarkaal ka tirsan ciidamada oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen 7 dagaalyahan,sidoo kalena 5 kale ay ka dhaawaceen,balse aan wax khasaare ah soo gaarin Ciidamada.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka Qalimoow oo 30km dhinaca Wqooyi ka xiga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe aya waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.



