Al-Shabaab oo weeraray degmada Qansax dheere iyo dagaal ka dhacay

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee fadhigoodu uu yahay Degmada Qansax-Dheere ee Gobolka Baay ayaa iska caabin ku sameeyeey weerar Al-Shabaab ay kusoo qaadeen Magaalada Qansax-Dheere ee Gobolka Baay.

Saraakiisha ku sugan Degmada Qansax-Dheere ee Howlgalka qeybta ka ahaa ayaa sheegay inay Dileen 12 katirsan Al-Shabaab oo qaar kamid ah yihiin Ajaanib oo weerarka ku jiray.

War kasoo baxsy Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Daraawiishta Degmada Qansax-Dheere oo hayey xogta weerarkan ay Al-Shabaab gaarsiiyeen Jab xoogan kana furteen hubka noocyadiisa kala Duwan, isla markaana lagu raad joogo Haraadiga kuwii weerarka soo qaaday.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Qansax Dheere ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda hadda ay tahay mid degan, isla markaana Amniga Magaalada ay gacanta ku hayaan Ciidamadà Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Geeshkii Koonfur Galbeedow Guulaysta.