Shirka Qorshaha cirib tirka cudurka Dabeysha oo lagu soo geba-gabeeyay Muqdisho

Agaasimaha Waaxda Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa soo xirey Shirka daadejinta heer Muumul Goboleed ee Qorshaha cirib tirka cudurka dabeysha kaas oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Caafimaadka gaar ahaan waaxda Caafimaadka qoyska.

Shirka waxaa kasoo qeyb galey Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dhaqaatiir, xubno kale oo kasocdey Hey’adaha ka shaqeeya Caafimaadka ee ka howlgala dalka iyo marti Sharaf kale.

Qorshaha cirib tirka Cudurka Dabeysha waa Qorshe Qaran oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna qeyb ka yahay xoojinta Tallaalka, Ololaha Cudurka dabeysha iyo yoolalka Caafimaad ee ay ku howlan tahay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya xaqiijinteeda.

Waasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa diiradda u saran sidii ay u daadejin la heyd Qorshaha cirib tirka Dabeysha aydoo lagaar siinayo dhammaan dalka si caruurta Soomaaliyeed looga badbaadiyo Cudurka dabeysha.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya waxaa dedaal dheeraad ah ku bixineysaa in bulshada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan ay helaan adeeg Caafimaad oo dhameystiaran gaar ahaan Caruurta Soomaaliyeed oo u baahan in markasta ay healaan Tallaalka Dabeysha.