Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegtay in ay diiday Rafcaanka ay kasoo qaateen Qareenadda eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud xukunkii Dilka toogashada ahaa ee Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir hore ugu soo xukuntay.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo aqriyay go’aanka Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay in Sayid Cali lagu riday Xukun dil toogasho ah.



