Wararka naga soo gaaraya degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari ayaa sheegaya in ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamo Kenyaan oo maraayey deegaan lagu magacaabo Dimu oo ku dhow degmada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.
Ilo wareedyo ku sugan deegaanka Dimu ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaas oo ahaa mid gaadmo ah laguna dilay 5 sarkaal oo ka tirsan ciidanka Kenya.
Gudoomiyaha degmada Mandheera Cali Rooba ayaa xaqiijiyay geerida 5 sarkaal ee ka tirsan ciidanka boliiska dalka Kenya.
Cali Rooba ayaa cambaareeyay falka lagu dilay askartaas Kenyaanka ah ee maraayey deegaanka Dimu .


