Wararka naga soo gaaraya Caawa degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ururka Shabaab ay gacanta ku hayaan wali degmadaasi.
Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Itoobiya ayaa la sheegay in ay shalay galinkii dambe iska baxeen Rabdhuure waxaana intaas ka dib gudaha u galay ciidamo ka tirsan Shabaab sida ay risaala u sheegeen dad ku sugan Rabdhuure.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa bishii June ee sanadkii 2014 ka saaray Al-Shabaab Rabdhure, waxaana ciidamadan ku sugnaayeen degmada labadii sano ee la soo dhaafay.
Baraha ay Shabaab Wararka ku faafiyaan ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku hayaan degmada Rabdhuure.


