Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay si buuxda ay u maamulaan deegaanka Goofgaduud oo 30 Km u jira Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegay deegaanka Goofgaduud , laakiin abaabul ay sameeyeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa suurtagelisay in ay Al-Shabaab ka baxaan deegaankaasi , islamarkaana ay gacanta ku dhigaan Marka kale ciidanka dowladda Soomaaliya.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay isaga baxay deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay , ka dib markii ay sheegeen in ay soo wajahday mushaar la,aan , waxaana taasi ay fududeysay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gudaha u galaan marka kale deegaanka Goofgaduud.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku hayaan ciidankooda , islamarkaana ay madaxdooda ay u khudbeeyeen dadka kunool deegaanka Goof Gaduud ee gobolka Baay.
Sarkaal ka tirsan ciidanka maamulka koonfur Galbeed oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay wadaan abaabul dagaal ,islamarkaana ay dhawaan gaari doonaan deegaanka Goofgaduud Goofgaduud.


