Diyaarado duqeeyay deegaano ay joogaan Al-Shabaab

Wararka naga soo gaaraya duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa waxa ay kusoo waramayaan in diyaarado dagaal  ay duqeeyeen deegaano hoos yimaada degmada Afgooye oo ay Al-Shabaab joogeen.

xalay Saqdii dhexe, ayaa diyaarado dagaal waxa ay duqeyn u geysteen deegaanka Yimbis oo Qiyaastii 20-KM u jira Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta u sheegay in goobaha la duqeeyay ay saldhig ku lahaayeen Xarakada Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dadka kunool deegaanka Yimbis ayaa warbaahinta u sheegay in xalay saqdii dhexe ay kusoo kaceen daryanka madaafiicda ay ridayaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta la sheegayo in loo geystay goobo ay saldhigyo ku la haayeen Xarakada Al-Shabaab.

Majro wax war oo kasoo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay duqeynta xalay ka dhacday deegaanka Yimbis oo Qiyaastii 20-KM u jira Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose