Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Maanta halkaasi laga maqlaayo Madaafiic xoog badan oo ay dhanka badda kasoo ridayaan Ciidanka NATO oo shalay ku bilaabay duqeyn degmada Qandala oo ay dhawaan la wareegtay Kooxda.
Mid ka mid dadka Deegaanka oo la hadlay Risaala ayaa sheegay Duqeyn culus ay ku socota degmada , islamarkaan gudaha Magaalada ay wali ku jiraan Kooxda Daacish oo mararka Qaar kasoo ridaysa hub culus.
Ciidanka Puntland ayaa gaabiga ku haya degmada Qandala , waxaana ay u jiraan masaafo dhan 6 km sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland.
Kooxda Daacisha ayaa la sheegaya in ay dhufeysyo adag ay ka sameysatay dhulka Qarka ee ku dhow Magaalada Qandala.
Ilaa iyo hada si rasmi ah looma xaqiijin karo Duqeynta kasocota Magaalada Qandala khasaaraha ka dhashay.
Xaalada Magaalada ayaa Maanta kacsan waxaana la sheegaya in qeybo ka mid ah Magaalada ay burburiyeen duqeynta ay geysanayaan ciidanka NATO.


