Booliska dalka Denmark, ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen nin Soomaali ah oo la sheegay in gurigiisa laga helay Waxyaabaha Qarxa.
Ninkaan ayaa lasoo taagay Maxkamad ku taalla Magaalada Aarhus ee Bariga dalka Denmark, waxaana ciidanka ammaanka sheegeen in ninkaasi xabsiga lagu sii heyn doono muddo dhan 4 todobaad madam ay wali ku wadaan baaritaano dheeraad ah.
Ninkaan oo ay ka gaabsadeen ciidanka ammaanka in ay shaaciyaan magaciisa ayaa lagu soo qabtay howgal ay ciidanka ammaanka ay ka sameeyeen howgiisa uu ka deganaa dalkaasi .
Rene Raffo oo ah Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay u adeegsadeen ninkaasi sunta dadka ka ilameysiisa , madam uu isku dayay in uu ka baxsado ciidanka ammaanka dalka Denmark oo howgal Gaar ah ka waday goobo lagu tuhmay in ay joogaan dad xiriir la leh kooxda Daacish.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan Waxyabaaha Qarxa ee ninkaasi gurigiisa laga helay , ayna dib ka shaacin doonaan waxyaabaha kasoo baxa.


