Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay shalay galinkii dambe ay weerar xoogan ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya oo sugnaa gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Fino oo hoostaga Magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Dagaalka oo qaatay saacado badan ayaa la sheegaya in uu sababay khasaaro kala duwan sida ay sheegeen ciidanka dowladda Kenya.
Eric Oronyi oo ah gudoomiye ku xigeenka Deegaanka Fiino ee dalka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidankoodu ay al-Shabaab dib ugu celiyeen gudaha Soomaaliya kadib markii ay soo weerareen deegaanada Fiino iyo Lafeey


