DHAGEYSO: Al-shabaab & AMISOM oo xalay ku wada hoyday deegaanka Ceel-baraf

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Alshabaab xalay gudaha ugaleen deegaanka Ceel-baraf oo ay la hadleen dadka deegaanka.

Deegaanka ayaa waxaa xalay la sheegay iney kusugnaayeen ciidamada Alshabaab, waxaana ciidamada AMISOM ay saldhig ku leeyihiin duleedka deegaanka gaar ahaan halka loo yaqaan Carakaawga.

Dadka deegaanka ayaa idaacadda Risaala u sheegay in Al-shabaab ay u hanjabeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Ceel-baraf, waxayna sheegeen ineysan ka fogeen deegaanka.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa deegaanka isaga baxay jimcihii kadib markii mushaar ay usoo doonteen magaalada Jowhar, waxaana markii ay isku dayeen iney laabtaa dhex u galay Alshabaab oo meel u dhaxaysa deegaanka Caadley iyo degmada Mahadaay kula dagaalamay una diiday inay u gudbaan Ceel-baraf, ayagoo dib isaga soo laabtay haddana ku sugan Jowhar.

Ciidamada AMISOM ayaa xero ku leh duleedka Ceelbaraf gaar ahaan Carakaawga oo ay xero meleteri ka samaysteen ayagoo aan wax dhaqdhaqaaq ah samaynayn.