Muqdisho-RisaalaFM- Warar ay heshay Idaacadda Risaala ayaa sheegaya in si KMG ah loo xanibay Dhaq dhaqaaqii koontooyinka Bangiga Dhexe ee Hay’addaha Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi (Farmaajo) ayaa bixiyay amarka lagu xanibay dhaq dhaqaaqyada koontooyinka, sida ay Risaala u sheegeen ilo wareedyo muhiim ah.
Sidoo kale waxaa la hakiyay in Hay’adaha Dowladda ay akoono gaar ah ka sameystaan shirkadaha xawaaladaha iyo Bankiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay in inta lagu guda jiro, xilliga kala guurka aanay dhicin xatooyo hantida Dowladda, kaddib markii sanadkii hore lacago malaayiin Dollar ah lagala baxay Qasnadda Bankiga Dhexe.


