Wasiir Mahad oo dhaliilay abaalmarin uu balan qaaday Farmaajo

Muqdisho-RisaalaFM- Mahad Salaad oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, horeyna u ahaa Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada xukuumadii waqtigeeda dhamaaday ayaa ka hadlay siyaasadda xasilinta iyo sugidda nabad gelyada ee Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Xildhibaanka oo bartiisa Facebooka soo dhigay qoraal uu kaga soo horjeedo siyaasadda xasilinta iyo sugidda nabad gelyada Madaxweyne Farmaajo ee lagu abaal marinayo qofkii soo sheega Gaari Qarax wada, isagoo sheegay taasi in aysan suura gal aheyn.

Waxa uu sheegay in amniga Soomaaliya aan lagu sugi karin lacag la bixiyo, isagoo sheegay in loo baahan yahay Istiraatiyad Qaran oo leh mug dhaqaale, mug Ciidan iyo mug Abaabul bulshadeed.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay arrintan in ay sii kordhineyso dhiira gelinta Argagixisada sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay Shabaab in looga adkaan karo oo keliya mug Ciidan.

 

Mahad