DHAGEYSO: Madaxweynaha Ahlusunna oo baaq u diray bahda saxaafada

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho oo muddo uusan imaanin.

Sheekh Maxamed Shaakir oo ka soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Gobolada Dhexe ayaa Garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo xubno kale.

Ujeedka uu u yimid Magaalada Muqdisho Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan waxa uu ku sheegay inay tahay ka qayb galka Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo.

Madaxweynaha Ahlusunna oo saxaafada kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo isbedelka dhanka hoggaanka ah ee Soomaaliya ka dhacay, isagoo bogaadiyay tanaasulkii uu sameeyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa bahda saxaafada ugu baaqay in aysan buun buunin oo aysan sheegin dhacdooyinka ay ururka Shabaab ka geystaan gudaha dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo qul qulaayo wafuud kala duwan oo qorshahooda uu yahay ka qayb galka xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha oo maalinta berri ah ka dhaceyso Magaalada Muqdisho.

 

shaakir 7

Shaakir 1 shaakir 2

Shaakir 1

shaakir 6 shaakir 4