Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa war ka soo saaray xiliga la qabanayo doorashada iyo buuxinta kuraasta ka banaan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay in cid kasta oo ay khusayso buuxinta kuraasta ka bannaanaatay golaha shacabka in Guddigu ku wargelinayo daneeyayaasha in la qabanayo doorashada labada kursi ee degaan doorashadoodu tahay Dawlad-Gobleedka Ga;muudg todobaadka soo socda, kuwaas oo ay banneeyeen Saadaq Cumar Xasan(Saadaq Joon) oo loo Magacaabay ku xigeenka Hay’adda NISA iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Qoraalka guddiga ayaa waxaa uu qornaa sidan:-
Sida ku cad warqadda ka soo baxday Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya ee ku taariikhaysan //, ujeedadeedu tahay in Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha soo buuxiyo kuraasta ka bannaanaatay Golaha Shacabka sida ku cadd waraqadda ku lifaaqan qoraalkan.
Haddaba Guddigu wuxuu ku wargeilinayaa daneeyayaasha in la qabanayo doorashada labad kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Dawlad-Gobleedka todobaadka soo socda, halka kuraasta kale ee deegaan doorashadoodu tahay Dawlad Goboleedka dib laga soo sheegi doono xilliga la qabanayo.




