AKHRISO: Maxay tahay Sababta Shaqada looga Joojiyay Xaashi Cilmi Nuur ?

Gudoomiyaha maxkamada Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa la sheegay in uu si KMG ah shaqadii uga joojiyay gudoomiyihii Maxkamada ee gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.

Sababta Shaqada looga joojiyay ayaa lagu sheegay in Maxkamada gobolka Banaadir aysan ugu adeegin bulshada sidii loogu tala galay.

Sidoo kale War kasoo baxay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa lagu sheegay in ay jiraan dacwooyin badan oo isku dul xayiran oo uusan wax ka qaban Xaashi Cilmi Nuur.

xil-qaadis