Muqdisho-RisaalaFM- War ay heshay Idaacadda Risaala ayaa sheegaya in dib u dhaca Aqalka Sare ay sabab u tahay, in Maamul Goboleedyada oo aan wali soo gudbin Xildhibaanadii Aqalka Sare u matali lahaa iyo Maamulka Hir-shabeele oo weli dhismihiisa aan la dhameystirin, taasina ay dib u dhac ku keentay 8-dii xubnood ee Aqalka Sare ka imaan laheyd maamulkaas.
Jadwalkii Doorashada ee horay loo soo gudbiyay ayaa sidan u qornaa:-
1-Aqalka sare 05-ta October
2-Baarlamaanka 23 October ilaa 10-ka November
3-Gudoonka Labada Aqal 23-ka November
4-Doorashada Madaxweynaha 30-ka November
Tani waxaa laga-yaaba in ay rumeyso tuhunkii laga qabay doorashada waqtigeeda in ay ka dib marto.


