Akhriso: Culimadda Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saaray ninka u gafay Nabiga (NNKH)

Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa war kasoo saartay nin la sheegay in uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo oo u gafay Nabi Maxamed NNKH.

Gudoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed Sheekh bashiir Axmed Salaad ayaa codsaday in ninkaasi sharciga la marsiiyo,maadaama uu sameeyay fal ka baxsan diinta Islaamka.