Muqdisho-RisaalaFM- Agaasimaha Idaacadda Risaala Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa maanta oo Khamiis ah daah-furay Tartamada Qur’aan akhriska Idaacadda Risaala oo sanadkan gaaraya ilaa Saddex Tartan, waxaana tartamadan iyo kuwo kaleba ay idaacaddu qabataa sanadkasta bisha Ramadaan.
Risaala ayaa sanadihii hore waxay qaban jirtay Tartamo Qur’aan akhris ah oo wiilal iyo gabdho isugu jira iyo Tartan Qur’aan oo u gaar ah gabdhaha, balse sanadkan ayay soo kordhisay Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu dhex qabanayo mid ka mid ah Masjaajida ku yaalla Muqdisho, si toos ahna looga baahinayo Idaacadda.
Tartamadan ay qabaneyso Risaala ayaa waxaa lagu tartamayaa 30-ka Juz ee Qur’aanka Kariimka, waxaana ardaydan ay da’dooda ka yar tahay 25-ka sano, iyaga oo isugu jira wiil iyo gabdho.
Tartamadan ayaa waxaa taabagelinaya shirkado jecel in ay ku tartamaan kheyrka, Tartanka Qur’aan akhriska gabdhaha ayaa waxaa maalgelinaya shirkadda Waaberi Jumbo Company (Waaberi Group), Tartanka Qur’aan akhriska wiilasha waxaa taabagelineysa Ibnu Qayim Al-jawzi iyo tartanka Qur’aan akhriska ee lagu qabanayo Masjidka oo maalgelineyso shirkadda Dahabshiil Group.
Barnaamij si toos ah uga baxayay Idaacadda oo uu daadihinayay Ustaad C/wali Yaxye Cali ayuu Agaasime Maxamed C/wahaab C/laahi waalidiinta iyo macalimiinta kula dardaarmay in ay si aad ah u diyaariyaan ardayda, kana faa’ideystaan tartamadan, wuxuuna tilmaamay sanadkan abaalmarinada tartamada lagu bixinayo in ay yihiin kuwo qiimo badan oo guuleystayaasha ay ku farxi doonaan.
Ugu dambeyntii Agaasimaha Risaala ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay dhammaan guddiyada tartamada Qur’aan akhriska ee howshan wadaya, wuxuu sidoo kale bogaadiyay shaqaalaha Risaala oo uu sheegay in ay hayaan howl aad u adag, xilliyadan oo kalena ay shaqadooda laba jibaaraan.