Agaasimaha Risaala oo daah-furay Tartanka Dugsiyada Sare (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Agaasimaha Idaacadda Risaala Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa maanta oo Axad ah daah-furay Tartanka Dugsiyada Sare oo sanadkii Todobaad ay Idaacadda qabaneyso.

Ustaad Maxamed C/wahaab ayaa dhammaan u hambalyeeyay iskuulada ka qeyb galaya Tartanka, wuxuuna sheegay in abaalmarin wanaagsan ay heli doonaan iskuulada kaalmaha hore ka gala Tartanka, sidoo kalena abaalmarintooda ay gudoomi doonaan Ciida kahor.

Isku aadka Tartanka Iskuulada ee Risaala oo ay maalgelineyso shirkadda UBC-COCA COLA ayaa shalay lagu sameeyay xarunta dhexe, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 14 iskuul oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maanta waxaa Tartanka lagu daah-furay Iskuulada Saaxil iyo Al-massal, waxaana ay soo bandhigeen Tartan aad u heersareeya, iyada oo ugu dambeyn ay guusha 2 iyo 0 ku raacday iskuulka Saaxil.

Maalinta berri ah oo bisha Ramadaan ay tahay Shan ayaa waxaa tartami doona iskuulada kala ah Hiigsi iyo Al-hudda, kuwaasi oo xiriiro aan la sameynay inoo sheegay in ay aad ugu diyaar garoobeen Tartanka.