Milan ayaa la sheegayaa iney ogolaatay iney kooxda Watford ka iibiso xidigeeda M’Baye Niang kaasoo boos ka weeysan kooxdiisa AC Milan.
Sky Sport Italia ayaa qoreysa in Rossoneri ay ogoltaatay iney xidigaan amaah ku bixiso iyadoo ay la socoto fursad xidigaan lagula wareegi karo si rasmi ah lacag dhan €16 milyan oo euros.
heshiiska ay gaareen labada koox, xidigana ayeey quseeysaa hadii uu go’aansanayo ku biirtaanka kooxda Hornets iyo hadii kale.
AC Milan ayaa horay heshiis ula gaartay kooxda Genoa laakin xidigaa faransiis ka ah ayaa sheegay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo kaliya horyaalka Premier League waxaana markii h–e soo baxay warar sheegaya in kooxaha West Ham, Liverpool iyo Crystal Palace ay xiiseynayaan saxiixa xidigaan laakin Watford ayaa haatan u muuqata iney ku guuleysatay saxiixa xidigaan.
22 jirkaan ayaa dhibaato ku qaba kooxda Coach Vincenzo Montella waxayna isku dheceen sidoo kale jamaahiirta kooxdaasi.


