Miyuu Neymar xal u noqon karaa khilaafka Real Madrid iyo Ronaldo ?

Real Madrid ayaa indhaha ku heysa Neymar Jr kaasoo loo arko bedelka Cristiano Ronaldo, sida laga soo xigtay wargeysyada Daily Express iyo AS.

Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku faraxsaneyn nolosha France, waxaana uu jeclaan lahaa inuu ku laabto Spain.

Dhanka kale, Cristiano Ronaldo ayaa dareensan in uu ixtiraam ka waayay Real Madrid, sabab la xiriirta in ay kooxdiisa dalbaneyso Kylian Mbappe iyo Neymar.

Weeraryahanka Portugal ayaa doonaya inuu dib ugu laabto kooxda Manchester United oo uu hore lix sanno ula soo qaatay.

Neymar ayaa noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan adduunka ka dib markii PSG ku iibsatay € 222 million oo aheyd lacagtii lagu burburin karay qandaraaskiisii Barcelona.

Cristiano Ronaldo ayaa qandaraas cusub u saxiixay Real Madrid sannadkii hore, laakiin waxa la soo sheegayaa inuu go’aansaday ka tagista Los Blancos.

Real Madrid ayaa kalsooni ku qabta inay Neymar dib ugu soo celiso horyaalka La Liga, waxaana ay ka codsadeen Wagner Ribeiro oo ah saxiibada ugu dhaw Neymar inuu ka saacido heshiiska.

Sergio Ramos iyo Casemiro oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaa haddii Neymar kula soo biirayo kooxda Real Madrid.