Wasiir Yariisow ”Waxaa jira qaswadayaal diidan in wadankan uu horumar gaaro”

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday iney dhalinyarada Soomaaliyeed door muhiim ah ay ka qaateen Horumarka dalka gaar ahaan u gurmashada dadkii wax ku noqday Qaraxii 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale,Wasiir Yariisow ayaa carabka ku dhuftay iney jiraan qaswadayaal diidan iney nabad ka dhalato Soomaaliya, kuwaas oo mar waliba heegan u ah iney damiyaan iftiinka kasta oo dhanka wanaaga uga bidhaama Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa jirta qaswadayaal diidan in wadankan uu horumar gaaro, runtiina kuwaasi waa Al-Shabaab, marka waxaa la idinka rabaa inaad doorkiina ka qaadataan sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa Al-Shabaab”.Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka axsaabta, islamarkaana dib  u eegis lagu sameynayo qabyo qoraalka Dastuurka dalka, si dalka loo gaarsiiyo hal qof iyo hal cod.

Hadalkan ayuu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ka jeediyay munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayay 765-dhalinyaro oo nasiib u yeeshay iney ka qeyb galaan tababar ay Hormuud ka ahayd Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.