Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Madaxweyne Waare ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoo ka qeyb galay kulankii ay madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo Dowlada Federalka ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Wafdiga la socday Madaxweyne Waare ayaa waxa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed,Wasiiro,xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ayuu Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu uga warbixiyay safarkii uu ku tegey magaalada Muqdisho, waxana uu xusay in Muqdisho uu ugaga soo qeyb galay shirkii Madaxda Dowlad goboleedyada iyo dowlada federalka,uuna la kulmay hay’adaha samafalka isla markaana mashaariicyo kala duwan laga fulin doono dhowaan dowlad goboleedka Hirshabelle.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ka hadlay dagaalada ay dowlada Federalka ku dhawaaqday inay la galayso ururka Al-Shabaab waxana uu si gaar ah u soo hadal qaaday dagaalka ka dhacay degaanka Basra.



