C/llaahi Saciid Gaarshe oo ah Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in todobaad gudihiisa lagu soo afjarayo khilaafka ka dhashay Dekeda Magaalada Boosaaso.
Wasiirka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii la isku waafajin lahaa nidaamka Dekeda Boosaaso ay ku shaqeyneysay iyo nidaamka ay hada rabto iney ku shaqeyso Shirkada DP World ee la wareegtay Maamulka Dekada Boosaaso.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in si deg deg ah loogu shaqeeyo sidii loo xalin lahaa .
Waxa uu shacabka Boosaaso ugu baaqay iney isdajiyaan oo ay joojiyaan banaanbaxyada iyo abaabulka ay ka wadaan magaaladaasi.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii dib loo furay dekeda Magaalada Boosaaso oo muddo xerneyd ka dib khilaaf soo kala dhex galay Shirkada Maamulka dekeda la wareegtay iyo dadkii ka shaqeynaayay oo sida la sheegay isku fahmi waayay nidaamka shaqo ee dekedaasi.



